MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan C/Rraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) oo ka mida mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta hadalo ka jeediyay banaanbaxa lagu taageeraayay heshiiskii amniga ee Somalia iyo Turkey ayaa taariikho hore kaga sheekeeyay marka la eego xiriirka labada dal.

Xildhibaanka oo afka Turkiga ugu mahad-celiyay dowlada Turkiga ayaa wuxuu dhanka kale sheegay inaaney ahayn markii ugu horeysay oo Turkigu u hiiliyo Somalia.

Advertisement

Xildhibaan Caga-weyne wuxuu tilmaamay in isla Itoobiya, isla saylac, isla baddeena in Turkigu Xabashida Itoobiya hore nooga difaaceen waliba iyagoo weerarkii hore watay dal reer yurub ah.

“markii koowaad maaha ee Turkigu Isla Itoobiya nooga hiiliyaan hore ayay isla saylac u soo weerareen Xabashida Itoobiya oo garab ka haleysay boortaqiiska waxaana somalia u soo gurmaday walaalaheen Turkey oo markaas ay ka jirtay khilaafadii islaamiga ahayd ee Cusmaaniyiinta”ayuu yiri Xildiban C/raxmaan Caga-weyne.

labada xili hadaan is barbar dhigno Sanadku waa 2024  waa Turkidii oo sida xiligaas oo kalana xoog u leh,isla sidaas oo kalana dunida oo dhan looga wada yaqaan laakiin waxay ku kala duwan yihiin xiligaasi turkidu iyagaa dunida oo dhan maamulayay mana jirin wax isbahaysi ah sida NATO oo ay ka tirsanaayeen balse iyagaaba gaalo oo dhan u babac dhigaayay inkastoo markii danbe uu burburey awoodii khilaafadii Islmaamka ee Cusmaaniyiinta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articlekhud-booyin laga jeediyay banaan-baxa lagu taageersan yahay heshiiska Turkey iyo Somalia+SAWIRRO
Next articleGolaha Wasiirada oo maanta yeeshay shir ku saabsanaa Isbeddelka Cimillada Adduunka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here