HomeWarkiiXildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku hanjabay inuu talaabo qaadi doono hadoo...

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku hanjabay inuu talaabo qaadi doono hadoo aan la sii deyn Wariyayaasha SMS TV.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul uga hadlay xariga labada wariye oo ka tirsan SMS Tv oo maalintii labaad galay isagoona fariin hawada u mariyay Taliska Booliiska Somalia.
 ” wariyayaasha SMS TV ee shalay Booliisku sida sharci darada u xirtay hadii aysan sii deyn, ha ogaadaan waan naqaan wiilkii xirey wariyyaasha sidoo kale waan naqaan taliyihii soo amray”ayuu yiri Xildhibaan Dahir Amin Jesow
Xildhibanka wuxuu ku hanjabay hadii deg deg loo sii deyn waayo inuu ka shaqeyn doono sidii Baarlamaanka looga yeeri lahaa Taliyaha ka danbeeya xarigooda.
Xildhibaan Jeessoow wuxuu ku tilmaamay xariga booliiska ee labada wariye inuu la mid yahay afduiubkii waagii fowdada dalka ay ka jirtay ee lacafaha lagu sii deyn jiray dadka marka ehelkooda ay soo raadsadaan.
Warka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku soo aadaya xili wariyayaasha la xirey ay ka yimaadeen doraad shirkii jaraa’id ee ay Suuqa Siinaay ku qabteen isaga xilhibaano kale sida Yaasiin Fareey xili ay ka cabanayeen go’aanka dowlada ay suuqaasi kula wareegeyso.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMXildhibaan Jeesow: "Wasiiro niic la soosiiyey ayaa ansixiyey codsigii  Madaxweynaha" | Horseed Media
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -