MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Dayax oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta hadalo ka jeediyay munaasabad lagu taageerayay Dowlada Somalia gaar ahaan siyaasadeeda doorashada qof iyo cod-ka ah waxaana lagu qabtay Degmada Dayniile iyadoo marti sharaf badan lagu casuumay.
Xildhibaanka wuxuu shacabk reer Dayniile kala hadlay caqabado jiro iyo guuxa dadweynaha qaar lagu cabsiinayo taasoo salka ku heysa arimo ku saabsan dhulka Dowlada ee Muqdisho meelo badan oo ka mid ah Dowladu la wareegeyso.
“Reer Deyniile qof idinkuma xad gudbi karto,caqabadaha iyo guuxa jira anaga idinka difaaceyna” ayuu yiriXildhibaan Dayax.
