Xildhibaan C/samad Dhaban-cad iyo masuuliyiin kale ayaa shalay gaaray hadalna ka jeediyay deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug oo maalin ka hor laga saaray Al-shabaab.

Xildhibaan Dhaban-cad oo ku dhaawacmay weerarkii is qarxinta ahaa ee dhawaan ka dhacay deegaanka Laas-gacameey walina uu ka muuqdo saameynta dhaawaca uu ku reebay ayaa hadalo dhiiri gelin ah u jeediyay Ciidamada iyo saraakiisha qabatay deegaanka Camaara.

Advertisement

Xildhibanka oo ugu horeyn u hambalyeeyay Ciidamada ayaa soo hadal qaaday heshiis beelaha reerkiisu  gaaray uu dhigayo inaan dib danbe looga laaban meel kasta oo Alshabaab laga saaro.

“hadaan kaftano reer Camaara  Cilmi cusub bay la soo baxeen  haddii bulsho meel isugu timaado waa uun laba arin midood khasaare ama faa’iido lakiin waxaa jirta mid u dhexesa oo ah lafaha hada waxaan leeyahay reer Camaara waad iska soo celiseen lafihii” ayuu yiri Xildhibaanka waayeelka ah ee Dhaban-cad

Dhanka kale wuxuu ugu baaqay Maamulka Galmudg iyo Dowladaba inay reer Camaar soo garsiiyaan adeeegii Dowladnimo,madaama sida uu sheegay hada iskuladii iyo maqaayadaha furan yihiin.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here