MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa ka hadlay arinta maqnaanshaha Siyaasiga C/rashiid Janan oo soo noqday Wasiirkii Amniga Maamulka Juballand kaasoo mudo asbuuc ah lagu weysan yahay Magaalada Nayroobi ee xarunta Dalka Kenya.

Xildhibaan Fartaag wuxuu ka dalbaday Dowlada Kenya inay war cad ka keento diblomaasigaasi nolol,geeri ama xabsi ,wuxuu tilmaamay ineysan macquul ahayn diblomaasi asbuuc dhan la la’yahay.

Advertisement

“hadii uu xiran yahay Dowlada Kenya waxaan ka rabnaa inay Dowlada Soomaaliya ku soo wareejiyaan si looga wada hadlo “ayuu yiri Xildhiban Fartaag.

Fartaag wuxuu si gaar ah u soo hadal qaaday wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha nabad-sugidda ee dalkaas labaduba ah dad Somali /Kenyan isku ah isagoona ugu baaqay  inay soo farogeliyaan arrinta Cabdirashiid Janan, si loo soo daayo haduu u xiran yahay Dowlada Kenya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSiyaasi Siidoow oo ka dalbaday Maamulka Puntland in reerkiisa xil laga siiyo
Next articleDowlada Somalia oo ka hadashay sababta diyaarada Itoobiya looga celiyay hawada Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here