Saddex maalmood magaalada Guriceel shir jaraa’id waxaa ku qabanayey madaafiicda iyo noocyada hubka oo ku dhacayay amarka madaxweynaha Galmudug, natiijadii waxay noqotay burbur, barakac, dhimasho iyo dhaawac!

Maalintii afraad haddii Madaxwyne Qoorqoor uu codkii rasaasta ku bedelay kiisa waa in farqi u dhexeeyaa, laxankii dagaalka uu joojiyaa, xabbad joojin iyo nabad uu ku taliyaa, dadkii guryahooda ka barakacay uu ugu baaqaa in ay dib u soo noqdaan, maydadka la aasaa, dhaawacyada daawo ay helaan.

Haddii dhanka kale hadalkiisu uu noqdo; guul sheegasho, goodin, faanid, eedeyn, iyo muddo gadasho Cusub oo uu dagaal ku soo abaabulo waxba ama is-moogaysiin dhibka jira ma soo kordhin shirkiisa jaraa’id, waxaana u haboon inuu iska aamuso!

Baaqiga hala caymiyo!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here