MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildibaan Maxamed Aadan Daahir oo hore uga tirsanaa mudanayaasha Baarlamaanka ee dhanka Madaxtooyada lagu tirin jirey ayaa goor dhaw soo dhigay bartiisa Facebook qoraal lidi ku ah siyaasada Madaxtooyada ay ku dooneyso inay ku maamusho Baarlamaanka dhexdiisa.
Xildhibaanka wuxuu si toos ah uga hor yimid in waqtiga fasaxa xildhibaanadu ka shaqeeyaan mooshin madaxtooyadu wado oo dastuurka ku saabsan, xili sida uu sheegay afartii bilood ee kalfadhiga aan wax ajande ah lagu darin
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Aadan Dahir wuxuu sheegay in Kalfadhigii 7aad uu ka haray laba maalmood oo keliya sida ku cad xeer-hoosaadka Golaha, islamarkaana kalfadhigu yahay afar bilood oo shaqo ah, kadibna laba bil oo fasax ah ay tahay in la galo sida uu warka u dhigay.
“Haddaba, in waqtigii fasaxa la yiraahdo waxa laga shaqaynayaa Dastuurka qaranka—iyadoo afartii bilood ee kalfadhiga aan wax ajande ah lagu darin—waa arrin aan suurtagal ahayn, mana waafaqsana xeerarka xeerhoosadka iyo dastuurka” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
