MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Allaha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho lagu dilay Xildhibaan hore oo lagu magacaabi jirey Ibraahim Saalax Deyfullaah.

Kooxo hubeysa ayaa masuulkaan hore waxay ku toogteen Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho,wuxuuna ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad.

Advertisement

Wararka waxay tilmaamayaan  in dilku dhacay xili uu masaajid ka soo baxay,mana jirto wax ciidamo ah oo degdeg goobta ku soo gaaray iyo dad loo soo xirey intaba.

Dhanka kale Ha’adaha amaanka Gobolka Banaadir wali kama hadlin dhacdadaani iyo qaabka ay u dhacday.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIIIILE.COM

Previous articleShirka Isimada Puntland maxay kaga hadlayaan
Next articleDAAWO: Galmudug iyo Hirshabelle oo Galabat Bar-baro ku kala baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here