Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay qorshaha dhameystirka dastuurka Somalia kaasoo asbuucaan la hadal hayo in Baarlamaanku meel marin doono.
Xildhibaanka wuxuu sheegay in hadii baarlamaanku ansixiyo dastuurka ay noqon doonto guul wayn, oo dad badan aysan maanta ku baraarugsaneeyn.
Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Xildhibaanka oo sidiisa u qoran:-
Waxeey noqon doontaa guul wayn, oo dad badan aysan maanta ku baraarugsaneeyn, in Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyo dastuurka dalka oo laga saaro kumeel gaarnimada uu ku soo jiray muddo aad u dheer!.
Dastuurku waa heshiis bulsho. Bulshada Soomaaliyeed waxaa dastuurka dhameeystirkiisa ugu xilsaaran Baarlamaanka Soomaaliyeed. Waxaana rajeeynayaa in dhameeystirka dastuurka uu jiheeysto maalinta Arbacada ee ina soo aadan.
Waxaa xusid mudan in dhamaan mas’uuliyiinta ka shaqeeysa siyaasada ay isku raacsan yihiin mab’da ahaan in la dhameeystiro dastuurka lkn lagu kala aragti duwanyahay hanaanka iyo habka loo dhameeystirayo oo qof-ba dhinac ka taaganyahay si isaga la haboon.
Waxaa kale oo dhab ah in aysan marna suurtagal aheeyn in hal weel la isku keeno kala aragti duwanaantaas ay qabaan shaqsiyaadka kala duwan ee siyaasada ku howlan.
Sidaas darteed, waxaa waajib ku ah Baarlamaanka Soomaaliyeed in uu qaato dowrkiisa oo uu jiheeyo dastuurka dalka. Intaas kadib, wixii dood ah oo laga qabi karo qaar kamid ah qodobada dastuurka waxaa lagu badali doonaa doodo kale oo Baarlamaanka dalku yeesho sidii lagu badalay ilaa sadax qodob oo ka tirsan cutubka afaraad (4aad) ee dastuurka oo horay u ansixiyay Baarlamaanka.
Lakin waxaan marna la qaadan karin in dastuurka la siyaasadeeyo ama uu iska sii af balaqnaado oo aan gacmaha ugu xirnaano doodo aan natiijo laheeyn oo hebel ku xumeey ah!.

