MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Jacar oo kasoo jeeda Beesha Mursade islamarkaana ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay shacab reer Gubta ah oo maanta ay xireen ciidamada Booliiska Dowlada Somaaliya gaar ahaan kuwa Degmada Dayniile kadib banaan bax ay dhigen xili ay kaga soo horjeedeen Maamulka Gobolka Banaadir.
Xildhibaan Jacar wuxuu si cad ugu hanjabay Dowlada inay iska saari doonaan hadii sida uu sheegay ay joojin waayaaan waxa ay wadaan.
“Haddii kuwan waxay wadaan ay dhaafi waayaan, waa la iska wareejinaa dowlad cusub ayaa imaanaysa”ayuu yiri Xildhibaan Jacfar
Sidoo kale Xildhibaan Jacfar wuxuu si kulul uga hadlay qaabka dowladu u qeybisay maamulka Degmada Gubta ee Magaalada Muqdisho
“Degmada Gubta meeshii ahayd oo aan ognahay dadka degan, iyo sida loo kala degan yahay in maanta la yiraa hal qof ayay maamulka ku leeyihiin Beesha Mursade inta kalana dad aan xitaa qaarkood maalin xitaa dhexmarin inay maanta qeyb ku yeeshaan wax xisaab ku yimid maaha,wax idiin qaadmana maaha” ayuu yiri Xildhibaan Jacfar
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
