Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hoggaaminaya ciidan xoog leh ayaa safar dhulka ah uga baxay magaalada Muqdisho, isagoo maanta gaaray degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.
Xildhibaan Jacfar ayaa dib u soo abaabulay howlgalkii dhawaan fashilmay ee xoreynta deegaanada beeshiisa oo Wabxo iyo Ceelbuur ay ugu horeeyaan.
Sidoo kale Kolonyada uu hoggaaminayo Xildhibaan Jacfar waxaa maanta gobolka Sh/Dhexe ka sii raacay guddoomiyaha gobolkaas Axmed Faal, waxayna degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ugu tageen oo ku soo dhaweeyey guddoomiye Cali Jeyte.
Office Nairobi Kenya