Ciidamo ka amarqaata Fahad Yaasiin ayaa saakay weeraray shaqaalaha Immigration ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Dhalinyaro badan oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa Isbitaalka loola cararay, agabkii iyo xaafiisyadii ay ku shaqaynayeena waa la burburiyay. Tani waxay ka tarjumaysaa ujeedooyinka gurracan ee la rabay in loo isticmaalo ciidamo aad u farabadan oo waayadaan dambe Fahad Yaasiin ku sii daabulayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Marka koowaad waan cambaareynayaa ficilkaan argagixisinimo ee aadka u foosha xun. Dhalinyarada dhaawacyadu soo gaareena waxaan Alle uga baryeynaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo. Marka labaadna waxaan ku baaqayaa in ciidamadaan Ayrboorka laga saaro ama qof waliba ilaaladiisa la galo Garoonka si amnigiisa loo ilaaliyo.

Hon. Mahad Salad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here