Xildhibaan Shariif Mustafa oo katirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhaliil uu ujeediyey gudoonka golaha shacabka xilliyada ay kulamadu jiraan.

Xildhibaan ayaa sheegay in si cadaalad aheyn loo qeybiyo hadal jeedinta mudanayaasha oo xulasho iyo dad gaar ah laga hormariyo kuwo mudnaa in lasiiyo xilligooda.

Shariif Mustafa ayaa ka hadlay xeerka hay’adda NISA ee la hor keenay golaha shacabka isagoo sheegay in wax badan ay ubaahan yihiin laga saxo sharcigaasi.

Xildhibaan Mustafa ayaa al shabaab badan inay joogaan ka hor sheegay golaha shacabka gudihiisa taas oo buuq abuurtay xilli hore xildhibaano kale ushaaciyeen war la mid ah midkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here