Muqdisho (dayniiile.com)-Xildhibaan C/llaahi Kulane Jiis oo ka soo jeeda Gobolka Geddo islamarkaana ka mida ah Kooxda Nabad iyo Nolol ayaa maanta saxaafada kula hadlay Muqdisho isagoo si kulul weerar afka ah ugu qaaday Dowlada Madaxweyne Xasan Hogaamiyo.
Xildhibaan Kulane Jiis wuxuu ku eedeeyay Dowlada inay arimo siyaasadeed la soo aaday Baarlamaanka halkii la rabay inay wax u qabato dadka Soomaaliyeed ee roobabka iyo fatahaaduhu aafeeyeen sida uu warka u dhigay xildhibaanka.
“Dowlad tabar xitaa u weysay kaalmeynta shacabkeeda ayaa ku leh dastuur baan ka hadleynaa,waa qalad arintaas “ayuu yiri Xildhibaan Kulane Jiis.
 wuxuu intaas ku daray in Dowladu ku fashilantay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee biyuhu barakiciyeen kuwaasoo u baahan gurmad.
“Waxaan arkaayay buur dhuubo oo biyuhu ka dul mareen guryaha, waxaan arkaayay buundooyinki Geddo sida Baar-dheere oo dumay ,Dowladii la rabay inay shacabkaas wax u qabato ayaan aragnaa iyadoo Baarlamaankii la soo aaday siyaasad iyo dastuur hala badalo “ayuu yiri Xildhibaan Kulane Jiis.
“Dadkeenii oo aan waxba loo qaban waa qalad in madaxweynihii Kaanbeeyn Xildhibaano ugu yeerto oo yiraahdo dastuurka hala badalo, nama qabato in madaxweynihii kaanbeyn ku dul furo dadkeenii oo biya dhex jiifaan”ayuu mar kale yiri.
Si kastaba mar uu la hadlaayay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayuu ugu baaqay inay gudi dhisaan si shacabka Soomaaliyeed ee barakacay wax loogu qabto.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleAskar ka mida Booliis Milataariyada oo shaqada laga eryay +SAWIRRO
Next articlePhenGold Pills, Original Multi-Action Weight Management …

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here