Marka laga soo tago erayada isku midka ah ee Rooble maalin walba ku celcelinayo “soo dhawadaa, anigaa meesha idiin jooga iyo af macaani aan uurka jirin” qodobada la isku hayo waxa ugu muhiimsan:

1. Farmaajo in uu faraha kala baxo arimaha amniga iyo doorashooyinka. Rooble-na uu qaato kaalintiisa hoggaamineed oo ah awood dastuuri ah lkn uu ka indho saabanyahay.

2. Taliyeyaasha ciidamada ee qaybta ka ahaa weerarkii 19 Febraayo in la badalo, ciidamadana siyaasada laga dhex saaro.

3. In la furo saaxada siyaasada, caburinta iyo cagojugleyntana laga dhaafo warbaahinta madaxabannaan, kulamada, dibadbaxyada iyo ololaha doorashooyinka Musharaxiinta.

4. Ka qaybgalka Midowga Musharaxiinta wadahalada doorashooyinka waxa la soo jeediyay Rooble in uu qabto shir gaar oo ay yeelanayaan Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada si xal looga gaaro arintaan.

Rooble inta iska dhaafo ku camalfalka fariimaha Fahad gadaal ka soo dirayo iyo af macaanida aan uurka jirin mas’uuliyadiisa ha qaato. Hadii kale dadka Soomaaliyeed waxay u fasiranayaan Rooble in uu qayb ka yahay qarbudaada Fahad iyo Farmaajo dalkaan ka wadaan. Cawaaqib xumida ka dhalatana Rooble dhankiisa ayuu ka qaadi doonaa inshaa’allah.

Hon. Mahad Salad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here