Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo bilaabay in uu hotelada lagu qabanaayo shirarka in uu caburiyo waxaan hada bartiisa facebooka soo dhigay Xildhibaan Mustaf dhuxulow oo maanta beeshiisa ku shirsanaayen hotel kamid ah kuwa muqdishu ugu caansan.
qoraalka Xildhibaan waa kan aqriso.
“Shaarka Dowladnimada ma ahan in lagu Handado Goob Ganacsi, Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa qaaday Tallaabooyin aan waafaqsaneyn Shacriga Eey maamulka Hotel Jazeera ku handadayaan una dirayaan ciidamo aan wadan sharci eey gudaha ku galaan.
Talaabo walbo oo aan sharciga waafaqsaneyn waxey keeni karta kalsooni darro iyo isku dhac, masuuliyaddaasna waxaa qaadaya taliska Booliska Gobolka Banaadir.
Hotel Jazeera ma ahan goob ciidan waa bar-kulmisa bulshada qeybaheed kala duwan, Waa hotel magac weyn ku leh Dalka, Waana sababta dhammaan dadka Soomaaliyeed eey kalsooni ugu qabaan macmiilna ugu yihiin.