Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dooda baarlamaanka hareysay ee ku aadan in tallaabo xilka qaadis lagu sameeyo Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka oo maanta la filayay inuu hortago, balse ka baaqday, taas oo ay xildhibaanadu ku tilmaameen inay ku tahay gef.

Advertisement

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay inuu metalo Wasiirka, isla-markaana aysan suuragal aheyn in xilka qaadista lagu billaabo Xasan Macalllin.

“Wasiirka Dasuurka ayaa lagu bilaabaa in inta xilka looga qaado wax socon karo ma’aha, waxayse ku socon karin annaga maxaan qabaneynaa?” ayuu yiri xildhibaan Dhuxulow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka uu u furan yahay in loo yeero wasiirka, kadib wax laga weydiiyo sababta keentay inuu ka baaqdo kulanka loogu yeeray.

“Wasiirkaas laba arrin waa lagu sameyn karaa in inta loo yeero hadda raalli-gelin dhiib wixii khaldana sheeg & in maalin kale loo yeero, marka midda xilka dib noogu dhiga” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga baarlamaanka wixii qadarin ah oo xildhibaanada naga mudan yihiin diyaar ayaa u nahay”

Dhanka kale, xildhibaan Jeeg oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa isugna taageeray hadalka Dhuxulow, wuxuuna soo jeediyay in laga laabto xilka qaadista.

“Xildhibaan Mustaf Dhuxulow hadalkiisa in la tixgeliyo waan qabaa reerkaan horaa 7 daqiiqo lagu diraye yaanan loo fiirin mar kale” ayuu isna yiri xildhibaan Jeeg.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Wasiirka Cadaaladda oo mar dambe tegay xarunta baarlamaanka, laga soo saaray kulanka, wuxuuna guddoomiyaha baarlamaanka ku dhawaaqay in arrintiisa ay go’aan kama dambeys ah ka gaarayaan xildhibaanada golaha.

Office Nairobi Kenya

 

Previous articleMidowga Afrikada Galbeed ayaa isku diyaarinaya in ay qaadaan tillaabo militari, xilli dalka Niger uu ku dhow yahay xilliga kama dambeysta ah ee afgambiga
Next articleMaxamed El-Amine Souef : Waxaa naga go’an in aan ciidamada Soomaaliya ku wareejino masuuliyadda amniga dalkooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here