HomeWarkiiXildhibaan muxaafad ahaa oo ka soo horjeestay wax ka badalka Dastuurka

Xildhibaan muxaafad ahaa oo ka soo horjeestay wax ka badalka Dastuurka

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed Xubin oo ka tirsan Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo horana uga tirsanmaa mudanayaasha muxaafadka ah ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay arimaha wax ka badalka Dastuurka isagoona si cad uga soo horjeestay siyaasada Madaxtooyada.
Xildibaan Ilyaas ayaa qoraalkii  oo uu cinwaan uga dhigay Timir-tii horaa dab loo waayay wuxuu si weyn uga soo horjeestay mashruuca Vilada ay wadato kaasoo wax ka badalka Dastuurka 5- iyo wixii ka sii koreeya,xildhibaankaan wuxuu ku eedeeyay Madaxda Dowlada in hada ka hor markii Dowladaanni Xasan Sheekh cusbayd Dagaaladii Alshabaab looga mashquulay isla arinta dastuurka oo hada taagan ,sidoo kalana hada arinta aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland  hadana looga mashquuli rabo isla darstuurka.
Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Xildhibaan Ilyaas oo sidiisa u qoran:-
Timir tii hore ayaa dab loo waayay!.
Dhameeystirka & wax ka badalka Dastuurka ee afartii cutub ee ugu horeeysay waxaa la bilaabay waqti kacdoon shacab & jihaad adag oo la iskaga xoreeynayo Khawaarijta lagu jiro oo waliba guulo waaweeyn laga gaaray cadowga isla markaasna dhul balaaran laga xoreeyay. Waxaana xusid mudan in Khawaarijtu qarka u saarneeyd in si dhameeystiran cududoodo military ee dagaalka ay burburto!.
Ku mashquulidii siyaasadaha la xiriira wax ka badalka Dastuurka waxeey diirada ka leexisay ahmiyad siintii la dagaalanka Khawaarijta, taas oo dhalisay dhabar jab & guul darooyin is xigxiga in ay ku dhacdo jihaadkii lagula jiray Khawaarijta!.
Iyada oo taas maanka lagu haayo in maanta markale hadana la keeno qorshe wax ka badal Dastuur oo markale looga mashquulo dadaalada looga hor tagayo cadowka dibadda ah ee ku soo duulay midnimada dalka & dadaaladii la rabay in lagu bixiyo abaaraha ku habsaday ummadeena ee la sheegayo ku dhowaad labo milyan iyo bar qof oo Soomaali ah in aysan heli karin cunto ay cunaan!.

Taas oo ay sii dheertay in waqtigii dastuuriga ahaa ee hay’adaha dowliga loo asteeyay uu sii dhacayo oo kaliya sadax bilood ka harsantahay…sidoo kale, gulufkii cadowga Khawaarijta uu sidiisii u taaganyahay!.

Waa yaabe halkee loo socdaa!. Dhanka kale, waxaa iga su’aal ah Afartii cutub ee Baarlamaanku ku sameeyay wax ka badalka halkee ku danbeeyeen?. Jawaabta oo kooban waa in la sii furfuray Baarlamaana aan dib loogu soo celin!.

Intaas oo dhan kadib, waxaan leeyahay timir tii hore ayaa dab loo waayay ee dalkaan midnimadiisa & wadajirkiisa aan dadaalkeena iskugu geeyno.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -