Xildhibaan Maxamed Xuseen Odaawaa oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha in uu dalka ku waddo  qordo jeex ka dib markii uu ka quustay in dib loo doorto, taasina ay tahay fashil soo wajahay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa ka harsan yihiin maalmaha kooban oo Soomaaliya dhigi rabo walaal iyo saaxiib la’aan.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan dadaal ku aadan sidii dalka loo badbaadin lahaa.

“Madaxweyne Farmaajo dowladnimadii Soomaaliya waxa uu u wadaa sida nin wada baabur aan fariin lahayn oo hadba darbi ku dhufanaaya,  Kadib markii dadkii iyo dalkii oo dhan madaxa iskugu wada dhuftey, ayuu bilaabay inuu Dalalka dariskana iyo Soomaliya qoorta isku dhufto” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Sida muuqata asagu in dib loo doortay waa ka quustay ee anaga ayuu rabaa in uu walaal iyo daris la’aan na dhigo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here