HomeWarkiiXildhibaan Qowdhan " Madaxweyne Xasan inuu tago Laas-caanood waa guul u soo...

Xildhibaan Qowdhan ” Madaxweyne Xasan inuu tago Laas-caanood waa guul u soo hooyatay reer Waqooyi Bari”

LAASCAANOOD (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Cabdi Qowdhan Warsame oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda dhulka Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa ka hadlay waxa ay reer Laas-caanood kaga dhigan tahay socdaalka Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu ku tagayo Magaalaa Laas-caanood xili uu ka qeybgalayo caleema saarka Madaxweynaha Maamulkaasi C/qaadir Aw-Cali Firdhiye.

Xildhibaan Qowdhan wuxuu sheegay in Khamiista Magaalada Laascaanood soo dhoweynayso Madaxweyne Xasan iyo Xukuumada Ra’iisulwasaare Xamza Cabdi Barre,isagoona ku tilmaay guul qaran.

“shacabka Waqooyi Bari Somalia iyo soo dhaweyntooda Madaxda Dowlada waxay ka dhigan tahay  midnimo la xaqiijiyey iyo weliba bog cusub oo taariikhda Soomaaliya ku qormay”ayuu yiri Xildhibaan Qowdhan

Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in imaanshiyaha Madaxweyne Xasan ee Laas-caanood ay tahay fariin caalamka gaarsiineya i midnimada Somalia ay guuleysatay.

” imaatinka Madaxweyne Xasan ee Laas-caanood waa guul u soo hooyatay reer Waqooyi Bari” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Qowdhan

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -