Xildhibaan Yaasiin Taakilo oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni taasoo ku saabsan doorashooyinka dalka iyo hamiga kursiga ugu sareeya ee Dalka.
Xildhibaanka wuxuu ku eedeeyay Saciid Deni inuu sanadkii 2022-kii u campaign garaynayay Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiligaasi musharax ahaa halka sanadkaan 2026-kana uu u campaign garaynayo Sharoof Sheekh Axmed halkii la rabay inuu mudnaanta siiyo Puntland sida uu warkiisa u dhigay
Hadalka Xildhibaan Yaasiin Taakilo ayaa imaanaya xili xalay khudbad uu Saciid Deni ka jeediyay shirkii Mucaaradka ee ka dhacay Muqdisho uu ku amaanay Musharax Madaxweyne Xildhibaan Shariif isagoo u tiiriyay dulqaad badan inti uu socday wada hadalkii ay xalane kula lahaaeen Madaxweye nXasan.
Saciid Deni mucaarad badan ayuu ku leeyahay deegaanada Puntland sida siyaasiyiin iyo waliba saraakiil ciidan kuwaasoo qaarkood heystaan ciidamo iyo gaadiid dagaal, walibana si cad dhowr mar u sheegay inay mushaar ka qaataan Dowlada Somalia islamarkaana amarkooda ku shaqeeyaan.
XAFIISKA WARARK SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
