HomeWarkiiXildhibaan reer Waqooyi Bari ah oo eedeyn culus u jeediyay Madaxeyne Xasan

Xildhibaan reer Waqooyi Bari ah oo eedeyn culus u jeediyay Madaxeyne Xasan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan C/risaq Xasan Dhookir ayaa eedeyn ba’an u jeediyay Dowlada Somalia marka la eego siyaasadeeda ku aadan Dowlad Degeenka Waqooyi bari Somalia,wuxuuna xusay in Dowladu aysan raali ka ahayn  in reer waqyii bari helaan maamul dhameystiran oo buuxa oo cagahiisa isku taaga.

“Dowlada Xasan Sheekh, ujeedada ugu weyn ay ka lahaayeen reer Waqooyi Bari waxay aheyd in deegaanka iyo talada idinka marooriso,sidoo kalana dadka ehelka ee deegaanka idinla xureeyay idinku dirto” ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq

Xildhibaanka wuxuu eedeyntiisa cadeyn uga dhigay in dhamaan maamulada kale Dowladu siiso kabka miisaaniyadeed balse maamulka cusub ee Waqooyi-Bari aysan Dowladu waxba ugu talo galin ilaa hada.

“waxaad u baahan tihiin inaad si miyir qabta aad u tashadaan madaama Xasan hada wuxuu idiin hayo aysan jirin iyo sidii ay wixii Soomaalida aad la leedihiin uga raadsan lahaydeen Dowlada , anaga xuquuda aad leedihiin idnkuma matalno inaan cid kale idiin barino laakiin waxaan idinku matalnaa inaan idiin sheegno runta oo ah in Dowlada waxba idinka jirin” ayuu mar kale yiri

Mar wariyayaasha wax ka weydiiyeen kuraasta xildhibaanada ee maamulka Waqooyi bari halka ay ka dhici doonto Puntland mise Waqooyi Bari wuxuu kaga jawaabay in waqti xaadirkaan wuxuu ka hadlayo ay tahay xuquuq ka maqan Maamulka uu Dowlada Somalia ku matalo ee waqooyi bari balse doorashoo uusan hada ka hadlin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -