MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) ayaa maanta hadal uu ka jeedinayay fadhiga Baarlamaanka wuxuu si cara leh uga hadlay arintan soo noq noqotay ee keentay in fadhiyada Baarlamaanku baaqdaan iyadoo goobta shirkana la fadhiyo taasoo ah in kooramka oo aan buuxsameyn.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa si cara laga dareemayo wuxuu si dad-ban indhaha ugu shitay Gudoonka isagoo usoo jeediyay in talaabo laga qaado xildhibaanada iyagoo Muqdisho jooga hadana dartood fadhiyada Baarlamanku u baaqanayo.

Advertisement

“xildhibaankii fadhiyada soo xaadiri waaya halaga jaro mushaarka” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe

”Ilmo ma nihi dad waaweyn oo dad soo dirsaday ayaan nahay”ayuu mar kale yiri  Xildhibaan C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

Hadaba halkaan ka daawo muuqaal uu diyaariyay TV-ga Dalsan:-

XAFFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleHay’ada Nabad sugida NISA iyo Hormuud maxay isku hayaan
Next articleRa’iisulwasaare Xamze oo la kulmay safiirka Imaaraatka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here