MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Sanyare oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay oo u jawaabay hadal dhawaan uu jeediyay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland kaasoo si gaar ah uga hadlaay kaarka NIRA ee aqoonsiga dhalashada Somalinimo .
Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland marka uu NIRA ka hadlayay wuxuu sheegay in qof kasta reer Puntland ee lagu arko isagoo wata Kaarka NIRA inay xabsiga dhigi doonaan madaama sida uu sheegay ay u aqoonsan yihiin in shaqsigii wata uu yahay alshabaab ama daacish,isagoo daba socda hadalkii Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ee ahaa in Alshabaab xaq u leeyihiin inay qaataan kaarka NIRA.
Xildhibaan Sanyare oo warka Wasiirka Puntland ka hadlayay ayaa in qofkii qaata Kaarka Nira uusan ahayn argagaxiso ,wuxuuna iska diiday inuu jawaab toos ah ka bixiyo hadalkii Wasiiradda Warfaafinta.
“Wasiiradda Warfaafinta Puntland uma jawaabo , waxaa u jawaabaya Xukuumada Somalia ” ayuu yiri Xildhibaan Sanyare oo wariyayaashu weydiiyeen inuu wax ka dhaho hadalada Wasiir Maxamuud Ceydiid Dirir
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
