HomeWarkiiXildhibaan Sanyare oo u shaaciyay inuu isku soo ururinayo Ciidamadii lagu soo...

Xildhibaan Sanyare oo u shaaciyay inuu isku soo ururinayo Ciidamadii lagu soo taba-baray wadanka Eritrea

Xildhibaan C/Ladiif Muuse Nuur oo ku magac dheer Sanyarre ayaa qoraal kooban baraha bulshada ku shaaciyay wuxuu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu isku soo ururiyo Ciidamadii lagu soo taba-baray wadanka Eritrea.
Xildhibaan Sanyare wuxuu tilmaamay in ciidamadaani oo tira ahaan gaaraya 6000 (Lix-kun) ay ku kala firarsan yihiin Gobolada Dalka sidaas daraadeed uu rabo inuu isku soo urursho islamarkaana uu xaliyo dhibaato uu sheegay inay heysato
“Waxaan rabaa inaan baaq udiro, oo aan isku soo ururiyo si aan dhibkoodana u xaliyo hubka ay gacanta ku hayaana uu u noqdo mid dalka anfaca, marka asbuucan ayaan tv-yada kalasoo hadli-doona ee ha u diyaar garooban” ayuu yiri Xildhibaan Sanyarre.
Lama yaqaan dhaqaalaha uu xildhibaanku ku maareyn karo ciidamo intaas la eg sidoo kale lama oga in ciidamada xooga oo hoos taga Wasaarada Gaashaandhiga inay qaadan karaan amar Xildhibaan ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM No photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -