Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo kamid ah 15kii Xildhibaan ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka joojiyey kulamada Xildhibaanada ayaa sheegay inay dooran doonaan Guddoomiye kale isla markaana ay noqon doonaan garab cusub.

Xildhibaan Xidig wuxuu sheegay in wax ay kasoo qaadayaan jirin warqada kulamada lagaga joojiyey, isagoo sheegay haddii Guddoonka Baarlamaanku sidaas ku adkaysto uu xidhmi doono Baarlamaanku.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay warqad uu soo saaray wuxuu shan kulan oo soo socda kaga joojiyey inay xaadiraan Golaha 15 Xildhibaan oo lagu eedeeyay in kulankii sabtiga ee Baarlaamaanku ka furman waayey, markii ay sameeyeen buuq iyo arbushaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here