Muqdisho (dayniiile.com)- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Beeaha Jareer weyne ayaa si gaar ah wuxuu ugu dhaliilay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya inuusan u cadaalad sameyn deegaanada uu saameynta ku yeeshay roobabku.

Xildhibaanka wuxuu tusaale usoo qaatay inuu R’iisulwasaaruhu booqasho ku tagay Doolow iyo Kismaayo kaliya xili ay jiraan deegaano xitaa dhanka amniga kaga haboona booqashada sida deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Advertisement

“Koonfur Galbeed oo ka amni fiican xitaa muusan booqan wuxuu tagay Doolow iyo Kismaayo oo jubaland ka wada tirsan waxaa halkaas ka cad ineysan qorshaha igu jirin inuu tago koonfur-galbeed iyo meelaha kale”ayuu yiri xildhibaanka mar uu ka hadlaayay shirkii shalay ay yeesheen baarlamaanka.

Dhaliisha Xildhibaanka ayaa imaaneysa xili isla shalay xildhibaan ka soo jeeda beesha Mareexsan uu isna dhaleeceen dusha uga tuurey Madaxweynaha Somalia isagoo durey siyaadadiisa hogaanka dalka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleXamze Cabdi Barre oo Maanta Kismaayo ka daah-furey saddex mashruuc+SAWIRRO
Next articleReer Mandheera oo dhibaato weyn ku qabaan Tog weyn oo Shiinuhu hore u qodey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here