HomeWarkiiXildhibaan si weyn u difaacay Wasiir Xassan Eelaay, weerar afka ahna ku...

Xildhibaan si weyn u difaacay Wasiir Xassan Eelaay, weerar afka ahna ku qaaday Gen.Shub 

BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-  Xildhibaan Maxamed Nuuroow oo ka mid ah Golaha Wakiilada Maamulka Koofur-galbeed ayaa si weyn u difaacay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Xasan Eelaay markii Gen.Mahad C/raxmaan Shub uu ku tilmaamay inuusan raxan weyn ahayn balse uu yahay Jareer.

Wasiir Hassan eelay hada wuu dhaafey in meel luuq ah lagu xanto umana jawaabi doono, siyasada waa la isku hayn karaa lkn in qofka qabiilkiisa iyo nasabadiisa wax laga sheego waa fadeexad kale oo hadana nin weyn oo janeraal ah hadalkaas kaso yeero” ayuu yiri Xildhibaan Nuuroow

Xildhibaanka oo qoraal kooban ku soo qorey bartiisa Facebook ayaa intaasi ku daray in iyaga xiligii ay mucaaradka ahaan jireen aysan wali ku dhaqaaqin inay dadka qabiilkooda ka saaraan isagoona hoosta ka xariiqay in talaabada uu ku dhaqaqay Taliye Shub ay  tahay mid an ku jirin loolanka siyaasada.

“Anaga markaan mucaaradka ahayn dadka kama saari jirin qabaailkooda tani waa saaid kuma jirto loolanka siyaasada, jananka waxan leyahay abdinoor iyo wiilkaas viila somaalia lagaso bursadey oo dadka meesha ku xantaa meel khaldan ka tuureen” ayuu yiri Xildhibaan Nuuroow

Mudanahaan wuxuu intaasi ku sii daray in Beesha Eelaay yihiin reerka kaliya ee la hubo loona dhaaran karo inay ka tirsan yihiin beesha Raxan-weyn

“Abow eelay raxweyn ma ahan miya 2026 hadana dhageysanaa kuwa la xubo oo loo dhaaran karo waa ayaga reer buurhakaba rali noqda”

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people, dais and newsroom

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -