HomeWarkiiXildhibaan Walaac ka muujiyay dedejinta Madaxtooyadu ku wado ansixinta Dastuurka

Xildhibaan Walaac ka muujiyay dedejinta Madaxtooyadu ku wado ansixinta Dastuurka

May be an image of daisWaxaa soo badanaya walaaca laga muujinayo in Madaxtooyada Somalia wado qorshe xildhibaanada la marsiin rabo oo la doonayo in lagu ansixiyo dastuurka inta ka dhiman madaama hore Baarlamaanka loo marsiyay cutubyada hore.

Villa Somalia ayaa lagu eedeynayaa inay horboodayso qorshaha dedejinta xili waqtiga Dowlada u haray uu yahay wax  bilood aan ka badneyn.

Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal kooban uu baraha bulshada soo geliyay wuxuu ka digay in sida uu sheegay dastuur Qaran la dedejiyo.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa u qornaa sidaN:-

Dastuur qaran laguma dhiso degdeg, lagumana ansixiyo waqti la’aan.

Ma hal asbuuc ayaa lagu akhriyi karaa laguna ansixin karaa Dastuur qaran?
Annaga oo ah xildhibaano, asbuuca soo socda ayaa naloo keenayaa Dastuurka Qaranka, iyadoo hal asbuuc oo keliya laga doonayo in lagu falanqeeyo lana ansixiyo. Taasi waa arrin layaab leh oo walaac dhalinaysa.
Dastuurku waa heshiiska ugu sarreeya ee ummadda, mana aha dukumeenti lagu dedejin karo. Go’aan degdeg ah wuxuu dhaawacayaa kalsoonida, doorka Baarlamaanka, iyo mustaqbalka dalka.
Dastuur qaran wuxuu u baahan yahay waqti, dood, iyo daahfurnaan — ma aha degdeg.
Sidaa awgeed, waxa aan ku baaqayaa:
1. In la helo waqti ku filan oo dastuurka lagu akhriyo laguna falanqeeyo,
2. In la furo dood qaran oo hufan,
3. In aan la dedejin go’aan saameynaya mustaqbalka qaranka.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -