HomeWarkiiXildhibaan weerar afka ah ku qaaday mucaaradka Golaha Mustaqbalka

Xildhibaan weerar afka ah ku qaaday mucaaradka Golaha Mustaqbalka

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday mucaaradka Golaha Mustaqbalka gaar ahaan kuwii xalay isku dayay inay xalane habeenimo aadaan isagoona xusay xildhibaanku inuu jiro hab raac amni oo xadidaya waqtiyada la aadi karo xalane.
Xildhibaan Ilyaas wuxuu sheegay in wixii ka danbeeya 5-ta galabnimo kaliya la iogolyahay in laga baxo lagana galo garoonka irida Marina Gate ee dhanka Iskool Bulusiya, wuxuuna soo jeediyay inaan ammniga Garoonka diyaaradaha la siyaasadeyn.
Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Xildhibaanka oo sidiisa u qoran:-
Baroorta Orgiga ka wayn!
Sida nadaamka soo jireenka ah ee lagu maamuli jiray walina lagu maamulo Irdaha laga galo ama laga soo baxo Airport Aadan Cadde waa in 5:00 Galabnimo wixii ka danbeeya laga soo gali karo lagana bixi karo Irida Marina Gate ee dhanka Iskool Bulusiya !.

Waana habraac amni oo loo wada simanyahay mucaarad ama muxaafad kii aad rabto ahaaw!.

Marka boor isku qarinta teamka mucaaradka waxaan oran lahaa baroorta orgiga ka wayn ee amniga Airport yaan la siyaasadeenin!.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -