HomeWarkiiXildhibaan Xaadoole oo garab istaag u muujiyay dhalinyaro Saaka laga diiday inay...

Xildhibaan Xaadoole oo garab istaag u muujiyay dhalinyaro Saaka laga diiday inay ka dhoofaan garoonka Diyaaradaha Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Cornel. Cusman Maxamed Maxamuud Xaadoole oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa garab istaag u muujiyay dhalinyaro baraha bulshada caan ka ah oo maanta laga hor istaagay inay ka dhoofaan Adan Abdulle International Airport ee Magaalada Muqdisho.

Cadaawe Yarre iyo Kaarteeye oo ka mid ah dhalinyarada baraha bulshada caanka ka ah ayaa muuqaalo cabasho ah isaga dhex duubay garoonka kuwasoo si isku mid ah u sheegay in qabiilkooda oo Abgaal lagu cunsuriyeeyay markii mid ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha uu ku yiri meeshaan Abgaalnimo kama shaqeyneyso sida ay warkooda u dhigeen.

Xildhibaan Xaadoole oo Baarlamaanka ku matala dhalinyaradaan ayaa si kulul uga hadlay talaabada lagu hor istaagay wuxuuna sheegay inuu la xisaabtami doona kuwa ficilkaas sameeyay.

“Waxaan cambaareenayaa xayiraada sharci darada ah ee Maanta loogu geestay dhallinyaro soomaaliyeed oo safar ah Airport-ka Muqdishu waxaana si dhaw ula xisaabtami doonaa cid kasta oo si aan wanaagsaneyn u adeegsata Awooda Sharciga Dowladnimad”ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole oo qoraalkaasi soo dhigay bartiisa Facebook

Sidoo kale Xildhibaanka wuxuu qoraalkiisa  ku soo afjaray inuu rajeenayo in aanay cabashadaas soo laaban mar kale islamarkaana uu kala hadlay Madaxda garoonka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -