BALCAD (DAYNIILE.COM)-Askari ka tirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan ka mida kuwii dhawaan lagu soo tababaray Dalka Ereteria ayaa xalay dad shacaba ku laayay deegaanka Carafaag oo ku dhaw xerada Hiil-weyne ee duleedka Degmada  Balcad.

Askariga ayaa la sheegay inuu isagoo daroogeysan isku dayay inuu kufsado haweeneey deegaankaas u dhalatay balse laba nin oo ehelkeeda ah ayaa is hor taagay kufsiga kadibna goobtii  ayuu ku dilay dhalinyaradaasi shacabka ahaa.

Advertisement

Taliyaha Ciidamada  Xerada Hiil-weyne oo askarigaani ka tirsanaa ayaa markii uu maqlay ciidan u direy waana la soo qabtay iyadoona loo gudbiyay xabsiga dhexe ee Xamar.

Dadka degan nawaaxiga Xerada Hiil-weyne ayaa sameeyay isku soo bax cabasho ah waxayna xirteen laamiga kadibna waxaa loogu yeeray oo goobta soo gaaray Xildhibaanka ku matala Baarlamaanka kaasoo ah Xildhibaan Cusmaan Xaadoole.

Xildhibaanka ayaa dejiyay dadka deegaanka isagoona markaa kadib si kulul uga hadlay dhacdada.

“Dowladu raali kama aha in shacabkeeda uu laayo Askari daroogiiste ah, sharciga ayaana la hor geynayaa,anagu ma aqbali karno mar kasta in Askari dowlad sheeganaya inuu dadkeena laayo”ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole.

Hadaba halkaan ka daawo muuqaalka hadalada Xildhibaan Xaadoole iyo Taliyaha xerada hiilweyne.

Previous articleQoor-Qoor oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid ciyaar-yahan Muxudiin Cabdi Muriidi
Next articleMadaxweynaha oo tacsiyeeyay geerida ku timid Jeneraal  Maxamuud Geelle Yuusuf 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here