HomeWarkiiXildhibaan Xaadoole "waxaan rabaa xil ka weyn xildhibaanimada, maxaa yeelay wax aan...

Xildhibaan Xaadoole “waxaan rabaa xil ka weyn xildhibaanimada, maxaa yeelay wax aan ka faa’iidey ma jiraan”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo ka mida mudanayaasha Baarlamaanka ayaa reerkiisa Galmaax-wacbuushan  ee Abgaal hada ku sii wargeliyay inaysan u dooran xildhibaanimada uu hada ku fadhiyo hadii uu mar kale weydiisto.
Xildhibaanka oo shalay ka qeybgalay kulan ay tolkiisu lahaayeen ayaa si cad u sheegay inuu rabo xil ka weyn midka xildhibaanimo ee uu hada heysto isagoo xusay in kursiga uu heysto uusan ka faa’iidin wax aan buuq ahayn.
“waxaan rabaa xil ka weyn xildhibaanimada maxaa yeelay wax aan ka faa’iidey ma jiraan”ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole
Mar uu sharaxaad ka bixinayay dhibaatada uu ku qabo xubinimadiisa xildhibaanimo ayuu Xaadoole sheegay in eedo dhanka tolkiisa ku muteystay kuwaasoo u badan dhanka waxqabadkiisa,wuxuu tolka ku adkeeyay ineysan mar danbe u dooran.
Hadaba faah-faahinta hadalada xildhibaanka halkaan ka daawo isagoo muuqaal ah:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -