MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Xasan Firimbi oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay hadalkii shalay ka soo baxay Madaxweyne Xasan ee ahaa in Alshabaab xaq u leeyihiin inay qaataan kaarka aqoonsiga NIRA islamarkaana ay yihiin Soomaali qaladan tahay.
Xildhibaan Firimbi wuxuu sheegay in Madaxweynuhu diyaarinayo qorshe uu rabo inuu dalka ugu wareejiyo kooxda Alshabaab,xildhibaanka wuxu muujiyay sida uu shaqsi ahaan uga soo horjeedo in alshabaab la siiyo kaarka NIRA.
“Madaxweyne Xasan wuxuu dalka u diyaarinayaa in uu ku wareejiyo kooxaha Alshabaab iyo Daacish” ayuu yiri Xildhibaan Firimbi
