Bismilaah:

Asc, Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Gaar ahaan Xubnaha Golaha Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya:

Mudaneyaal iyo Marwooyin Anigoo ah Xildhibaan Abdirashid Mohamed Xidig Waxaan idinla socodsiinayaa inaan u sharaxnahay xilka Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka federalka ee soomaaliya 2022/2026:

Mudaneyaal iyo Marwooyin Baarlamaanka Federaalka Waxaa horyaala waajibaad Dastuuriya oo lagam maarmaan u ah Dowlad dhisida Dalkeena, sidaas darteed Anigoo fahamsan Waajibaadkaas Aqoon iyo Waayo Aragnimo dheera u leh Hogaaminta Baarlamaanka iyo Gudashada waajibaadkiisa Waxaan go,aansaday inaan isusoo sharaxo qabashada Xilka Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya:

Hadaba Dhamaan Xubnaha Golaha Baarlamaanka federalka Waxaan ka codsanayaa inay igu taageeraan Codkoodana isiiyaan, Anigoo maalmaha soo socda soo bandhigi doona Faahfaahinta Qorshaha iyo Arimaha muhiimka ee Baarlamaanku xooga saari doona marka Aan ku guuleysto hogaamintiisa Inshaa Alaah:

Mahadsanidiin:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here