MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Yaasiin Fareey ayaa mar kale ka hadlay qorshaha Dowlada Somalia ka damacsan tahay suuqa gubtay ee suuq-bacaad isagoo ku celiyay inuu aaminsan yahay in suuqa kas loo gubey si danno dhaqaale looga fushado.
Yaasiiin Farey wuxuu daboolka ka qaaday Maamulka Gobolka Banaadir qorsheynayo in suuq-bacaad laga eryo ganacsatada yar yar islamarkana loogu cabiro ganacsato waaweyn oo wadata qorshe ay suuqa ugu badalayaan moolal waaweyn.
Xildhibaank wuxuu intaasi ku daray in suuqa siinaay iyo suuq-bacaadba uu xilka baarlamaanka ku matalo dadka ku ganacsada islamarkaana uusan ogoleyn in ganacsatada suq-bacaad la barakaciyo sidii uu u diiday suuqa siinaayba.
“Ganacsatada yar yar ee Suuq-bacaad waxaa la rabaa in la barakaciyo si loogu badalo ganacsato waa weyn”ayuu yiri Yaasiin Fareey
Xildhibaankaan wuxuu soo hadal qaaday hadaladii uu duqa Muqdisho ka jeediyay suuq-bacaad markii uu booqday dabkii kadib isagoona carabka ku adkeeyay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Muugaab uu ku celceliyay in suuqa la hagajinaayo.
Yaasiin wuxuu fasirey suuqa waa la hagaajinaa in Duqa Muqdisho uu ula jeedo in suuqa loo cabiri doono ganacsatada waa weyn islamarkaana la eryi doono ganacsatada yar yar.
Masuuliyiinta Dowlada gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir kama aysan jawaabin wali eedeymaha maalmihii ugu danbeeyay si is daba oog ah uga soo baxaya xildhibaan Yaasiin Fareey kaasoo ku celcelinaya in Dowladu dooneyso inay suuq-bacaad sida siinaay dadka ka barakiciso.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
