HomeWarkiiXildhibaan Yaasiin Fareey oo Ciidanada Dowlada ku bogaadiyay sidey u xakameeyeen weerarka...

Xildhibaan Yaasiin Fareey oo Ciidanada Dowlada ku bogaadiyay sidey u xakameeyeen weerarka Alshabaab

Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarka Alshabaab ee Xabsiga Godka Jilacow isagoona ciidamada qaranka bogaadiyay.

Qoraal uu xildhibaanka soo geliyay bartiisa Facebook ayaa sidan u qorneyd:-

Waxaan boggaadinayaa sida geesinimada leh ee Ciidamada Qaranku u xakamayeen weerarka naflacaariga argagixisadu ku qaaday afaafka hore ee Taliska Gan, Jilacoow.

Khawaarijta waxa ay cadaadis kala kulmeen weerarada cir iyo dhul uga socda habiin iyo maalin, waxaa ka geeriyooday horjoogayaal muhiim u ahaa, waxaa hoos u dhac weyn ku yimid dhaqaalahooda, waxaa yaraaday dhalinyaradii ay askareynayeen oo ay marin-habaabinayeen, taas ayaana keeneysa in ay ku dadaalaan weeraro ay ku doonayaan in ay ku qariyaan jabkooda sida kii maanta oo kale.

Waxaan soo jeedinayaa in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dhacdadan lama filaanka ah, waxaan ku kalsoonahay Laamaha. Amaanka Gaar. Ahaan. Hey’adda NISA oo nabad la isku haleyn karo kusoo dabbaalay Caasimadda Muqdisho.

Weerarada naftood halogayaasha ma aha kuwa guul u keenaya khawaarijta meydadkoodu daadsan yihiin Awdheegle, Ceeldheer iyo Inta Badan Gobalada Dalka.

kaliya waxa ay niyadjab ku yihiin Dhalinyarada ay sida xooga iyo qasabka ah ku qortaan kuna shubaan afkaartooda faasidka ah. Khawaarijtu maanta waxa ay taagan yihiin Quus, waana laga guuleystay, kaliya waxaa dhiman israacin.
Iyo. Wada shaqeeyn is la xisabtan.
Dhiirigalinta. Geesiyaasha. Ciidamada. Qalabka sida

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -