Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Fareey oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kasoo diray fariin culus furinta dagaalka isagoo sheegay in ay dagaalka sii wadi doonaan inta laga xoreyn doono Al Shabaab.

Gaashaanle sare Yaasiin Fareey ayaa wax lagu farxo ku sheegay in Jowhar ilaa Muqdisho la xoreeyey oo Argagaxisadii kusoo dhuuman jirtay laga saaray,sida uu shaaca ka dhigayna ay dad badan ku farxeen tallaabadaasi la qaaday.

Fariinta uu kasoo diray deegaanka Aqab duco ayaa Xildhibaan Yaasiin Fareey sheegay inay hadda ku dhaw yihiin Degmada Aadan Yabaal oo ah saldhiga ugu weyn Shabaab.

Waxa uu sheegay in Shabellaha Dhexe kadib ay doonayaan inay Gal gaduud xoreynteeda ku biiri doonaan,isagoo weerar afka ah ku qaaday Xildhibaano uu sheegay in deegaanadoodii la xoreeyey balse iyagu ay metalaadoodii ay maqan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here