Xildhibaanad Faa’iza Maxamed Jeyte oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa beenisay jiritaanka qodob ka mida heshiis hore Madaxweynuhu ula galay Beelaha Bariga Hiiran gaar ahaana markii madaxweynuhu gaaray Maxaas ayuu dhacay heshiiskaasi.

Xildhibaanad Faa’iza oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya una waramaysay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray qodob ka mida heshiis hore Dowadu ula gashay reer Hiiraan kaasoo ahaa in mushaar la siiyo Maawisleyda.

Advertisement

“Aniga war kama hayo ciidamo beeleed mushaar loo qoray, cidii sheegtay iyadaa laga rabaa”ayay yiri Xildhibaanada

Waxay xustay in heshiisyadii la gaaray uu ku jiray in hogaanka Dagaalka loo dhaafo Macawisleyda islamarkaana Ciidamada Dowladu iyo madaxdeeeduba caaawiyaan oo kaliya  ciidamada dadka deegaanka ee loo yaqaan macawisleyda.

“markii hore waxaa dagaalka hogaaminayay ciidmaada  dadka deegaanka, dowladuna waa caawineysaay guulo badana waa lagu gaaray laakiin wadadii waa laga leexiyay oo dadbaa soo jeedshay in qabiilka iyo abaabulkiisa dagaalada  loo baahnayn laakiin waa cadaatay markii danbe in fikirkaasi soconeyn lagana maarmin dadka deegaanka oo ayna dagaalka muhiim u yihiin”ayay mar kale tiri Xildhibaanad Faa’iza

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here