HomeWarkiiXildhibaanad Faiza oo kashiftay sir badan oo ku saabsan Shirkada Favori

Xildhibaanad Faiza oo kashiftay sir badan oo ku saabsan Shirkada Favori

Xildhibaanad Faiza Maxamed Jeyte ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku kashiftay sir badan oo ku saabsan Shirkada Favori ee Maamusha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo saaka shaqadiisii istaagtay kadib markii shirkada Favori ee Turkiga laga leeyahay ay erisay shaqaalihii garoonka.

Xildhibnaanada oo qoraalkeeda cinwaan uga dhigtay Waxaan rabaa maanta in aan run qaraar sheego ayaa sidan u qornaa:-

Waxaan rabaa maanta in aan run qaraar sheego

Magaalada muqdisho waa magaalo ay ku noolyihiin dad ku dhow 4 milyan oo soomli ah oo iskugu jira jileec iyo jareer ama shanta beelood oo soomaali wax ku qeybsato.

Waa magaalada kaliye ee qof kastta oo soomaaliya uu soo aado markuu culeys ku dareemo meelaha kale ee shanta soomaalidu dagan tahay sida.

1- jabuuti, kilinka, Nfd, woqooyi bari iyo koofurta soomaaliya marki muqdisho laga reebo , ayadoo kulansatay wax kasta oo wanaag iyo midnimo jaceyl soomaaliyeed ah marka laga reebo dad yar oo wax magarato ah hadalada qaar marmar ka soo yeera.

Waa magaalada kaliya ee xamili karta in ay u adkeysato culeys ay xaimili karin dhulka kale ee soomaalidu dagto, laakiin waxaa jiro culeysyo badan oo iyada u gooni ah sida dhagarta argagixisada, musuqa, cadaalada darada iyo wax yaabo kale oo badan.

Maalmihi lasoo dhaafay waxaa taagnaa buuq ku aadan shaqaale ayagoo joogo boosaskoodi laga qaadan rabay, sidoo kale gabar cisbitaalka banaadir hortiisa ku umuleysa, sidoo kale cabasho soo gaartay gudiga doorashooyinka aan heshiiska lagu aheyn oo ah in Shaqaalaha g/bannaadir lagu qasbaayo in ay iska diiwaan galiyaan ururo siyaasadeeed taasoo sharci daro iyo xadgudub ah sida gudoomiyaha gudigu uu sheegay hada waxaa buuq ka jira garoonka diyaarada ee aadn cabdulle .

dhibaatada garoonku maahan mid Maanta bilaabatay laakiin sida aan idinkugu sheegay tii cisbitaalka in ay horay u jirtay ayey tan maata taagana u socotay dhowr bilood kahor waxaa si sharci daro ah looga saaray shaqadoodi wiilashi Hagi jiray diyaarada marka ay dagaayaan kuwaas oo muda dheer shaqeeynaayay tababar fiicana heystay waxaana lagu badalay wiilal ka mid ah shaqaalihi muruq maalka ahaa oo loo xiray dharki shaqaalihi diyaaradaha hagaayay taaso ay ka dhalatay xitaa shil diyaarad oo aan qasaaro badan geysan.

Hadaba xagee dhibku ka heystaa magaaladan dulqaadka badan iyo shacabkan soomaaliyeed ee soomaalinimada jecel?

Aniga aragtideyda oo leygala doodi karo waxaan u arkaa in shacabka gobalka banaadir qaladka inta badan leeyihiin anigoo ku saleynaayo in aan ahay muwaadin xog ogaal ah waligeed magaalada muqdisho aanan meelna uga bixin in ay safar maalmo qaadato ku maqnaato maahee.

Ku dar soo inta aan xildhibaanka noqon meelo badan oo kala duwan ayaan ka shaqeeyay dhanka dowlada iyo kuwa shicibka ahna waa ka soo shaqeeyay sadaad darteed shacabka waxa aan eeda u saaraayo waa wax yaabo aan ogahay,

1- shacabka wanaaga badan ee magaalada muqdisho mayaqaanaan xaqooda iyo waajibaadkooda noloshuna waxa ay ay iskugu timaadaa labada noocaan oon sheegay oo ah xuquuq iyo waaajibaad faafaahinta ayadoo wareysi ah ayan bixin doonaa Insha allaah.

Waan idin jeclahay magaalada xamar iyo dadkeedaba alle xaqa Hana garansiiyo dhamaanteen magaalada iyo dadkiidana allaha ka dhigo kuwo aanan sabcinin ayagoon ogeyn u jeedka ka danbeeyay sacabka.

MAHADSANIDIIN:

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -