Sida aan ku helay xogo lagu kalsoonaan karo xildhibaanada beesha Murusade qaarkood iyo wasiirka Caddaalada ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, waxa ayna kulanka uga hadlayeen sida laga yeelayo shirkii horey loo iclaamiyay in uu dhacayo 6-da bishan Marso.

Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaana shirkooda ku heshiin waayay, waxa ayna u kala jabeen labo garab oo kala ah: kuwa kasoo horjeeda in shirka qabsoomo iyo kuwa kale oo ku adkeesanaya in uu shirka dhacayo wax walbo oo yimaada.

Advertisement

Xogta aan helay ayaa sheegaysa in Wasiirka iyo labo xildhibaan kale oo kamid ah kooxda Waayo-arag ku adkeesteen in la baajiyo shirka oo la aqbalo ballanqaadkii madaxweynaha u sameeyay ee beenta u badnaa , halka saddex xildhibaan kale oo kamid ah xildhibaanada cusub iyana diideen in shirka la baajiyo.

Dood dheer kaddib iyo is fahmi waa ayaa shirka waxaa kusoo biiray xubno siyaasiyiin ah uu kamid yahay jeneraal Gaafow ,kuwaa oo kala dhax galay labada dhinac, waxaana markii dambe la isku afgartay in la qabto shirkii horey loo iclaamiyay ayna ceeb noqoneyso haddii la baajiyo, waxa ayna isla fahmeen in shirka xasaasiyad badan uusan abuurin ,sidoo kale aan mucaaradad xooggan loo muujin madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa.

Shirka oo loo ballansanaa in uu furmo 6-da bishan ayaana loo badinayaa in uu dib u dhac maalmo kooban ah ku yimaado, waxaana hadda socda qaban qaabada shirkan ay wadaan xubno ay soo xuleen xildhibaanada shirka diidan qaarkood.