LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Golaha cusub ee Wakiilada Maamulka Waqooyi Bari-Somalia oo xalay uun lagu dhawaaqay ayaa durba wararka hada ka imaanaya Laas-caanmood waxay sheegayaan inay doorteen Gudoomiye cusub oo ku meel gaar ah.
Guddoomiyaha Baarlamanka kumeel-gaarka ah ee maamulka cusub ee Woqooyi-Bari Soomaaliya waxaa loo doortay Maxamuud Salaad Warsame kadib markii lagu doortay inuu yahay shaqsiga ugu da’da weyn mudanayaasha Golaha wakiilada ee cusub.
Maxamuud Salaad Warsame wuxuu hogaamin doonaa Xildhibaanada Maamulka Waqooyi Bari inta ay ka soo dooranayaan Gudoonka rasmiga ah ee Baarlamaanka Maamulkaani cusub markaas kadibna Gudoonka cusub uu gudooomin doono Baaramaanka si Madaxweyne ay u soo doortaan>
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
