Wararka laga helaayo Magaalada Garowe ayaa sheegaya in xarunta Baarlamaanka sidii lagu balasanaaba ay saaka isugu yimaadeen Xildhibaanada cusub ee Puntland ee xalay uun la shaaciyay.

Wararka ayaa tilmaamaya in dhamaan mudanayashii cusbaa ee soo xaadiray la dhaariyay inkastoo sharci ahaanshahooda la isku heysto.

Advertisement

Mudanayaasha cusub ayaa dhanka kale doorteen Gudoomiye kumeel gaar ah kaasoo loo doortay mudanaha ugu da’da weyn baalamaanka cusub ,isagoo gudoomin doona baarlamaanka tan iyo inta gudoon cusub laga soo dooranayo.

Dhaarinta Xildhinaada ayaa isku soo aadaya xili khilaaf xooggan uu ka dhashay shaacinta mudanayaashaan oo intooda badan lagu eedeeyay Saciid Dani inuu soo qortay uuna rabo in markale ay doortaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland oo qaadacay liiska Xildhibaanada cusub
Next articleMucaaradka Puntland oo ka hor yimid Xildhibaanada cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here