GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Golaha cusub ee Wakiilada Puntland ayaa sheegaya in saaka loo balamiyay sidii  loogu dhaarin lahaa Kutaabka Quraanka inay dalkooda iyo dadkooda ugu adeegaan si daacad ah.

Qoraal war gelin ah ayaa la soo sheegayaa in saaka xildhibaanada la gaarsiiyay si ay usoo xaadiraan munaasabada dhaarinta taasoo qorshuhu yahay inay ka dhacdo xarunta Baarlamanka.

Advertisement

Xog-hayaha Baarlamanka C/risaaq Xiddig Warsame ayaa ku saxiixan war qada casuumaada munaasabada dhaarinta ee xildhibaanada cusub.

“Waxaa dhammaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 6-aad lagu wargelinayaa in ay soo xaadiraan munaasibadda dhaarinta xildhibaanada cusub waqtigana waa 10:00 Am (Subaxnimo) iyo xarunta Baarlamaanka ”ayuu lagu yiri warqada wargelinat ah ee uu soo saaray xog-hayaha Baarlamanka C/risaaq Xiddig Warsame.

Dhanka kale wali qolyaha mucaaradku kama hadlin shaacinta xildhibaanada xili la ogyahay inay ka soo horjeedaan waxaase suurtagal ah in si hoose loo xaliyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSanadka Cusub ee Somalida .??!!
Next articleLaba alshabaab=nimo ku eedeysan oo lagu qabtay duleedka Magaalada Caad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here