Golaha shacabka oo goor dhow si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’iisul wasaaraha Cusub

0

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xil kaas oo loo magacaabay 17-kii bishan September ee sanadka 2020-ka.

Kulankan oo ay soo xaadireen illaa 215 mudane ayaa waxaa guddoomiyey afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay dhinac fadhiyeen labadiisa ku xigeen ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu horreyn waxaa kulanka furay guddoomiye Mursal oo xildhibaanada ka hor aqriyey ajandaha kulankan oo ahaa mid gaar ah, laguna ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub.

Intaasi kadib guddoomiyaha ayaa hadalka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban ka jeediyey xarunta Vill Hargeysa oo uu ka dhacay kulanka golaha shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub uu ku xushay waayo aragnimo, aqoon iyo wadaniyaddiisa oo sarreysa, kadibna wuxuu ka codsaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay siiyaan codka kalsoonida ah.

Kadib waxaa la gudaha galay kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha oo ugu horreyn khudbad u jeediyey Golaha, wuxuuna mahadcelin kadib sheegay inuu wax ka qaban doono amniga, doorashada, dhaqaalaha, dowlad wanaaga, cadaaladda, dib u eegista dastuurka, dhab u heshiisiinta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka bixisa marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro, kadib wuxuu weydiistay codka.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here