Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Konfur Galbeed Soomaaliya oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si Kulul uga Hadlay Dhibaatooyin ka Jira Deegaanada KGS, oo ay qeyb ka tahay Deegaano Alshabaab ay Go’doomiyeen oo dhibaata Culus ka jirto.

Waxayna sidoo kale ka hadleen Dhibaatada dhanka Amniga ah iyagoona sheegay in gaadiid Fara badan Alshabaab ay ku gubeen Sh/Hoose,waxayna Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Laftagareen ay ugu Baaqeen in si Deg Deg ah ay uga jawaabaan Dhibaatada ka Jirta Konfur galbeed.

Sidoo kale waxay ka hadleen Arimaha Doorashada Dalka , waxayna Tilmaameen in aan Doorasho la Gali karin iyadoo Shacabka Konfur Galbeed ay dhibaato ku jiraan oo Deegaanada qaar la gedaayo Kiilo Sokor ah Lacag dhan $8 Dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here