HomeWarkiiXildhibaanada labada aqal oo maanta kulan ku leh Magaalada Muqdisho

Xildhibaanada labada aqal oo maanta kulan ku leh Magaalada Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Xarunta Vila Hargeysa ka dhacaya kulan ay leeyihiin Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo halkooda ka soo amba-qaadaya ajanadihii u soo socday maalmihii ugu danbeeyay ee ka doodista qaar ka mid ah cutubyada Dastuurka.

Ujeedka ajandahaan ayaa ah in ugu danbeyn Baarlamaanku meel mariyo Dastuurka Soomaaliya oo dhemeystiran kaasoo mudo la adeegsanayay isagoo qabyo ahaa,waana qeyb ka mid ah balanqaadyadii Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu usoo tartamayay xilka.

Qaar ka mid ah wax kabadalka dastuurka ayay hore Xildhibaanadu ugu guuleysteen iyagona doonaya hada ka hor dhamaadka muda xileedka inay Dastuurka dhameystiraan oo ka saaraan qabyada.

Si kastaba kulanka maanta iyo ajandaha ayaa ku soo aadaya xili Muqdisho ay ku balansan yihiin mucaaradka iyo Dowlada si looga heshiiyo qabashada doorasho la isla ogolyahay wadada loo marayo xili dastuurka wax ka badalkiisana ay aad uga soo horjeedaan mucaaradka.

XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -