Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa markii ugu horreysay muddo 60 sano ah ka dib ka doodaya ansixinta wax ka badalka iyo dhammeystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dhowr iyo toban sano ah qabyo ahaa.

Labada gole ayaa maanta loo qeybinayaa nuqulka soo jeedimaha wax ka badalka Dastuurka iyadoo goluhu warbixin ka dhageysan doono guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole sidoo kalena golaha waxaa la siin doonaa jadwalka doodda oo maalmo soco doonta.

Advertisement

Cutubyada 1aad 2aad 3aad iyo 4aad ayuu soo diyaariyey guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka waxaana cutubka 1aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.

Cutubka 2aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha.

Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda.

Previous articleKumaandooska Danab oo Degmada Wala-weyn ka sameeyay talaabo ku dayasho mudan+Sawirro
Next articleHowlgal ka dhan ah Itoobiyaanka oo Boosaaso laga sameeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here