Qaar ka mida Xildhibaanada Beesha Mursade ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxay ka sagootiyeen Ciidamo ku wajahan Gobolka Galgaduud gaar ahaan nGal-hareeri.
Ciidamadaan oo diyaarado looga daabulay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ugu horeyn degaya Magaalada Guriceel ka hor inta aysan duulanka qaadin.
Ciidamo kale ayaa ku sugan Guriceel kuwaasoo ay mar isla howlgeli doonaan,iyadoo ciidamadaani si a gaar ah uga soo jeedaan Gal-hareeri islamarkaana la rabo inay ka saaraan Alshabaab.
Xildhibaan Xuseen Qaasim Iidow ayaa hogaaminaya ciidamadaani oo warar kale sheegayaan inay Maxaas iyo Guriceel ku kala degi doonan ka hor inta aysan duulaan qaadin.
Sidoo kale waxaa ciidamada Garoonka diyaaradaha adan cadde ka ku sagootiyay Senator Dhagdheer.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM