MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Shirkii labada aqal aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa soo dhamaaday.

Shirka maanta waxaa hor yaalay mooshinka xeerka wax ka badalka Dastuurka taasoo maalimihii ugu danbeysay la hadal hayay madaama kooxaha mucaaradla ka soo horjeedeen.

Advertisement

Kulanka Maanta waxaa soo xaadirey 221 waxayna cod aqlabiyad ku ansiyeen xeerka wax ka badalka doorashooyinka.

121 xildhibaan ayaa u codeysay xeerka wax ka badalka doorashooyin halka inta kale diideeen.

Dhanka kale ansixinta ka hor waxaa jirey Xildhibaano doonayay inay rabsho ka Abuuraan kuwaasoo diidanaa  ansixinta xeerka wax ka badalka dastuurka, waana la anaixiyay ugu danbeyn.

Madaxweyne Xasan caqabadii koowaad wuu dulmaray xili ay ka go’antahay inuu Dastuurka wax ka badalo si Dowladiisa uu uga dhigo mid leh Madaxweyne xigeen islamarkaana  looga guuro dowlada baaralamanteeriyada ah looguna gudbo mid madax-Tokyo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Nin Somaliland ah oo aaminsan in wiil ka dhintay ay soo nooleeyeen isbitaal Hargeysa ku yaal
Next articleDEG DEG: Xulka Galmudug oo u soo baxay fiinaalaha tartanka Maamul Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here